WARARKA SOOMAALI

Safiirkii Soomaaliya ee Dal Yurub u fadhin jirtay oo geeriyootay

Safiirkii hore ee dalka Soomaaliya u fadhin jirtay dalalka Austria, Belgium, iyo Yugoslavia Faadumo Maxamed Eenoow ayaa ku geeriyootay Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Allaha u naxariistee Faadumo Maxamed ayaa sannado badan kasoo shaqeysay Safaarado dowladda Soomaaliya leedahay, waxaana geerideeda xaqiijiyay Prof Maxamed Haji Mukhtaar oo barre ka tirsan Jaamacadda Savana ee gobolka Georgia ee Mareykanka.

Marxuumad Faadumo Maxamed Eenoow ayaa Safiir kasoo noqtay Safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Austria, Belgium, iyo Yugoslavia, sidoo kalena waxaa aheys sharci yaqaan ku hadli jirtay luuqadaha Ingiriiska, Carabiya, Faransiiska iyo Talyaaniga.

Faadumo Maxamed ayaa noqotay gabdhadii ugu horreeysay ee Soomaaliyeed ee Safiir noqota, waxaana ay Safiir ka noqotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Austria, waxayna soo shaqeysay sideetameeyadii iyo sagaashameeyadii.

SOMALI NEWS

To Top