WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wasiir uu magacaabay MW Muuse Biixi oo is Casilay iyo sababta oo…

Baashe Cawil Xaaji Cumar oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magacaabay Wasiir ku-xigeenka arimaha Dibadda Somaliland ayaa xilkaasi ka cudur daartay in uu qabto.

Qoraal uu soo saaray Baashe Cawil oo horey u ahaa Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya ayuu ku sheegay in uu iska casilay xilka Wasiirnimo ee loo magacaabay iyo sidoo kale Wakiilninadii Kenya, waxa uuna ka codsaday Madaxweynaha in uu ka aqbalo is casilaadiisa.

Baashe Cawil ayaa waxaa la tilmaamay inuu saluugay xilka oo khamiistii lasoo dhaafay uu u magacaabay Madaxweynaha Somaliland, isla markaana la xusay inuu Go’aan ku gaaray inuu is Casilo

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Madaxweyne Biixi ayaa maalmo kahor isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid Golihiisa Wasiirada, waxaana Amb Baashe Cawil uu kamid ahaa xubnaha uu magacaabay Madaxweynaha.

SOMALI NEWS

To Top