WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dhakool oo karbaashay xubnihii Soomaliland ee sheegay inay u tagayaan Axmed Madoobe.

Hargeisa  ( HM ) Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamidh ah Baarlamaanka Somaliland ayaa ka hor yimid Wafdiga Somaliland ee  doonaya inay ka Qayb galaan Caleemo-saarka Madaxwaynha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

HALKAN KA DAAWO

Dhakool ayaa sheegay inaysan  Kismaayo u baahnayn Xubno uga taga Somaliland, oo ay Halkaasi isku hayaan Saddex Nin oo ilmaadeer ah, Wuxuuna Xubanaha Somaliland kula taliyey inay aadaan Deegaanka Ceel-Afwayn oo Colaad Mudooyinkii dambe ay ka jirtay.

Dhinaca kale Xildhibaan Dhakool Wuxuu ka difaacay Madaxwaynaha Jabuuti Eedaymo uga yimid Faysal Cali Waraabe iyo Xubno ka tirsan Xisbigiisa, Wuxuuna sheegay in Burburkii dalka  uu Madaxwayne Geelle gacan wayn siiyey Ganacsatada Somaliland, Islamarkaana aanu Mudnayn in lagu Gefo madaxwayne la doortay.

SOMALI NEWS

To Top