WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mustafe Cagjar oo dhisaya Ciidamadii ugu awooda badnaa deegaanka Soomaalida-Video

Jigjiga (HM)-Dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa  markii ugu horreysay dhistay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Kumaandooska, Kuwaasi oo Qayb ka ah Ciidamo Tiro badan oo Tabar u socdo.

Madaxwaynaha Dawladda deegaanka Mustafe Maxamed Cumar  [Cagjar] ayaa ka Qayb galay Dhoolatus ay Sameeyaan Ciidamada Kumaandoosta iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee Deegaanka oo Tababarka loosoo xidhay.

HALKAN KA DAAWO

Ciidamada Kumaandoosta waxay  tiradoodu gaadheysaa illaa 250 askari,  waxayna qeyb ka noqonayaan illaa 3000 oo askari oo ka mid ah ciidamo cusub oo ku biiraya kuwa loo yaqaano  Liyu Boolis ee Dawlad deegaanka Soomaalida.

Ciidamada Kumaandooska ah  ayaa loogu talo galay inay ka jawaabaan xaaladaha deg dega ah iyo difaaca xuduudaha gobolka, Waxaana Madaxwaynaha oo Bulshadii deegaanka Mideeyay, uu Mudooyinkii dambe xooga saarayey Dhaqan celinta iyo Dib u habaynta Ciidamada deegaanka oo ah Awood aan la dhayalsan Karin.

SOMALI NEWS

To Top