WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda Somalia oo Jawaab kulul siisay Musharaxiinta Mucaaradka

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si adag uga jawaabay eedeyn xooggan oo ka soo yeertay mid ka mid ah Musharraxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ee Mucaaradka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah musharraxiinta xilka Madaxweynaha ee ka soo jeeda garabka mucaaradka, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeeyay inuu baal maray shuruucdii doorashada.

Balse Cusmaan Abuukar Dubbe oo ah wasiirka Warfaafinta ayaa ku gacan seyray hadalka Cabdiraxmaan, isagoo sheegay inuu yahay hal shakhsi oo kaliya.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu hadal ay caro badan ka muuqatay ku sheegay in “mucaaradku aysan oggoleyn habka loo wajahay doorashada Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya”.

Wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray Wasiir Dubbe “Hab raaca doorashada ee qoran waxay ka billaabataa odayaasha dhaqanka. In ugu horreyn la faafiyo liiska odayaasha dhaqanka, la tababaro, kaddib ay ergo xulaan, ergadaas la tababaro, nidaamkii lagu heshiiyay ee kootada ahaa ee dhinaca haweneka ama bulshada rayidka ah la caddeeyo, ka bacdi ayay imaaneysaa in xildhibaannada ay is diiwaan geliyaan.

Hadalka Wasiir Dubbe ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka uu sheegay in waxa hadda socda aan lagu tilmaami karin doorasho, isla markaana ay socoto doorasho Boob ah.

Isha: BBC Somalia 

Xukuumadda Somalia oo Jawaab kulul siisay Musharaxiinta Mucaaradka
To Top