WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Deni oo Amar siiyey Laamaha ammaanka Maamulka Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan dhiirrigelin ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland kula qaatay deegaanka dalxiiska ee Ceel-haare oo ka tirsan degmada Qardho.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Booliska, ayaa isaga kala yimi Gobollada Puntland Waxaana ay maanta ka qeybgaleen munaasaddii tababarka loogu soo xiray dufcadii 4-aad ee Ciidamada Booliska ee la tababaray, kuwaasi oo laga keenay dhammaan Gobollada Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyay Saraakiisha shaqada wanaagsan ee ay hayaan, wuxuuna faray in lasii laba jibaaro dadaalkooda iyo ka shaqeynta Amniga oo uu ugu horeeyo la dagaalanka maandooriyaha.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha, Taliyaha Ciidamada Booliska, Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo gobollada isaga yimi iyo maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Qardho.

Madaxweyne Deni oo Amar siiyey Laamaha ammaanka Maamulka Puntland
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

To Top