WARARKA SOOMAALI

Dad Dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax xoogan oo ka dhacay Sh/Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Dad Goobjoogayaal ah oo goobta ka agdhawaa oo la hadlay Shabakadda Horufadhi Media ayaa u sheegay in qaraxaas oo jigtiisa la maqlay uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Xaawo Taako ee degmada Afgooye, uuna ahaa miino dhulka la geliyey.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kalana waay ku dhaawacantay qaraxa, Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ay ku sugnaayeen Xarun caafimaad oo u dhow goobta uu qaraxu ka dhacay.

Qarax 19-kii bishaan ka dhacay Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof oo shacab ah, iyadoo sidoo kalena 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxaas ayaa ka dhacay suuqa ay ku yaalaan dukaamo maalmaha jimcaha ay dadka reer miyiga aad uga dukaameystaan, iyo suuq yar oo lagu iibiyo qaadka, mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxii ka dhacay degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.

Dad Dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax xoogan oo ka dhacay Sh/Hoose
To Top