WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada oo soo saaray Amar ku socda Musharaxiinta Golaha Shacabka

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku mamnuuceen in musharaxiinta u tartameysa kuraasta Golaha Shacabka in ay qariyaan wajigooda inta doorashada socoto.

Waxa ay sheegeen guddiga doorashada in aan marnaba la aqbali doonin inta doorashada socoto in musharaxiinta wajiga qarsadaan, waxa ayna shaaciyeen guddiga in doorashada laga rabo in ay noqoto mid daah furan.

”Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay ku war galinayaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada dalka, Mahadsanidiin.” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Warkan kasoo baxay guddiga doorashada ayaa kusoo aadaya xili dhawaan doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho mid kamid ah musharaxiinta ay qarsatay wajigeeda si aan loo aqoonsan, taas oo dhalisay hadal heyn badan.

Guddiga Doorashada oo soo saaray Amar ku socda Musharaxiinta Golaha Shacabka
To Top