WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Abiy oo shaaciyay inuu tegayo Jiida hore ee Dagaalka Culus ee…

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday in uu hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah kooxaha fallaagada, Abiy ayaa xalay sheegay laga bilaabo Talaadada maanta in uu teggi doono jiidda hore ee dagaalka.

Ra’iisal Wasaare Abiy oo ah Abaanduulaha Ciidamada Itoobiya ayaa warkan ku shaaciyay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa oo lala wadaagay dadweynaha dalkaasi, mana cadda waxa hoggaamintiisu ka bedeli doonto dagaalka ka socda dalkaasi.

Warka ka soo yeeray Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa imaanaya wax yar uun ka dib, markii Xubnaha Guddiga Fulinta Xisbiga Barwaaqo ay Magaalada Addis Ababa ku yeesheen kulan ay kaga arrinsanayeen xaaladda guud ee dalkaasi.

Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa dalkaasi ka waddo abaabul xoog leh oo Booliska Federaalka lagu gaynayo furinta hore ee dagaalka, waana xilli Booliska Federaalka ay u tababaran sugidda amniga magaalooyinka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-RW Abiy oo shaaciyay inuu tegayo Jiida hore ee Dagaalka Culus ee…
To Top