WARARKA SOOMAALI

TOOS:-Doorashada kuraas ka tirsan Somaliland oo ka socota Muqdisho

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Goordhow ka bilaabatay Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Musharaxiin dhowr ah ayaa ku tartamaya 6 kursi oo kamid ah kuraasta Gobolada Waqooyi oo ay  horey u shaaciyeen Guddiga doorashada Somaliland, kuwaasi oo diiwaan-gelintooda lasoo gaba-gabeeyay maalintii shalay aheyd.

Musharaxiinta  Maanta tartameysa ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Doorashada socota ayaa waxaa goobjoog xubno ka tirsan Guddiga doorashada heer Federaal, kuwa xalinta Khilaafaadka, Musharaxiinta tartameysa, Ergada wax dooraneysa, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

HALKAAN TOOS UGA DAAWO DOORASHADA

TOOS:-Doorashada kuraas ka tirsan Somaliland oo ka socota Muqdisho
To Top