WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo saaka Dagaal kula wareegay degaan ka tirsan Koonfur Galbeed

Wararka aan ka heleyno deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay oo dhowr iyo toban KM u jira Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaas waaberigii hore ee saakay uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.

Dad ayaa ku warramay in dagaalkaan uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda gaar ahaan qeybta 60-aad iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Deynuunaay.

Dagaalka oo socday muddo ku dhow saacad ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo dhinacyada isdhaafsanayeen, waxaana ka dhashay khasaaro , inkastoo aan la cadeyn inta uu la egyahay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay dagaal culus kula wareegeen deegaanka Deynuunaay oo 25-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin sheegashada Al-shabaab ee ku aadan inay dagaal kula wareegee Deeynuunaay ee Gobolka Baay.

Al-shabaab oo saaka Dagaal kula wareegay degaan ka tirsan Koonfur Galbeed
To Top