WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda Soomaaliya oo ansixisay siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo…

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeeshan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Hamza Abdi Barre waxa ay ku ansixiyeen Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda oo ay golaha hor keentay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadda.

Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda ayaa waxa ay caawinaysaa xaqiijinta ujeedooyinka dawladda ee ku saabsan habka mushahar-bixinta iyo astaynta darajooyinka shaqaalaha rayidka ah.

Baahida siyaasaddan hirigelinteeda keentay ayaa ah in laga guuro nidaamkii hore ee darajooyinka shaqaalaha ee ku saleysnaa kaliya heerka waxbarasho, loona guuro nidaam cusub oo ku saleysan baahiyada shaqo kasta oo dowladeed kuwaas oo ay ka mid tahay: aqoon, waayo aragnimo, xirfad iyo karti.

Siyaasadda la meel mariyay ayaa meesha ka saareysa nidaamka hadda jira ee Darajada Shaqaalaha oo ku saleysan kaliya ‘Heer Waxbarasho’ balse aanan loo eegin heerarka kala duwan ee mas’uuliyadaha shaqooyinka la qabanayo.

Xukuumadda Soomaaliya oo ansixisay siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo…
To Top