WARARKA SOOMAALI

DFS oo soo Bandhigtay Istaraatijiyadda Xasillinta degaanada laga saaray Al-shabaab

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta daah-furay shir lagu soo bandhigay Istaraatijiyadda Qaran ee Xasillinta deegaannada laga xorreeyey Al-shabaab oo ay ka soo qayb galeen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen Wasaaradaha ku shaqada leh Arrimaha xasillinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ayaa lagu soo bandhigay warbixinno waafi ah oo sharraxaya hawl-galladii u dambeeyey ee xorraynta iyo horumarrada laga sameeyey sidii adeegga aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa goobaha soo galay gacanta Dawladda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo hadal ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in gacan gargaar lala gaaro dadka Soomaaliyeed ee muddo ku sugnaa deegaanada la xorreeyay, isla markaana loo baahan yahay in la iska kaashado fulinta qorshahan ballaaran ee xasillinta ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ka warbixiyey guulaha laga gaaray hawlagallada dalka looga xoraynayo deegannada Al-shabaab ku sugan yihiin iyadoo kaashanaysa dadka deegaankan oo u abaabulan sidii ay iskaga xorayn lahaayeen.

DFS oo soo Bandhigtay Istaraatijiyadda Xasillinta degaanada laga saaray Al-shabaab
To Top