WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Ciidanka amniga oo Maanta gacanta kusoo dhigay Nin dil geysan rabay

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Nin hubeysan oo la sheegay inuu dil u geysan rabay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Ilaalada deegaanka Xamar.

Afhayeenka Booliska dowladda Sadiiq Aadan Cali Duudishe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in degmada Wadajir ay laamaha amniga kasoo qabteen nin hubeysan oo watay bastoolad uu dil ku fulin rabay.

Afhayeen Sadiiq ayaa xusay in ninka xilligii la qabanayay uu doonayay inuu degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilo Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar, ninka ayaana magaciisa lagu sheegay Muxsin Cali Mustaf.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Deg Wadajir gacanta ku soo dhigay Eedeysane Khawaarij Muxsin Cali Mustaf ina Hooyo Iisho Muqtaar Cali iyo bastooladiisa, oo maanta 09:50 barqanimo xili uu ku howlanaa inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar” ayuu yiri Afhayeen Sadiiq Duudishe.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sidoo kale gacanta ugu soo dhigay rag hubeysan oo weerar ka fulin rabay gudaha magaalda caasimadda ah ee Muqdisho.

DEG DEG: Ciidanka amniga oo Maanta gacanta kusoo dhigay Nin dil geysan rabay
To Top