WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo ka socda degaan ka tirsan Sh/Dhexe

Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu haatan ka socdaa deegaanka Nuur-dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka  heleyno.

Dad ayaa waxaa kusoo warrameen in dagaalkan oo bilowday arroornimadii hore ee saakay uu yimid, kadib markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaadeen degaanka Nuur-dugle oo ay ku sugan yiihin ciidamada macwiisleyda ah.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsanayaan dagaalka socda oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada soo kala gaaray, in kastoo aan si rasmi ah loo ogey inta uu la egyahay, xaaladda Nuur-dugle ayaana ah mid kacsan.

Deegaanka Nuur-dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay dagaalamayaasha Al-hababaab, waxaana maalmo kahor deegaankan booqasho ku tegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax faah faahin ka bixin dagaalka socda ee u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo ka socda degaan ka tirsan Sh/Dhexe
To Top