WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Aadan Madoobe oo si kulul uga hadlay sharciga Jinsiga oo muran badan dhaliyey

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 2aad ee wadajirka ah BJFS oo ajandihiisu ahaa qeybinta iyo akhrinta koowaad ee qoondaha miisaaniyadda 2023-ka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka laga war sugo ilaa ay uga soo dhamaato qiimeynta si loo hor keeno akhrinta labaad iyo akhrinta sedexaad ee labada gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa si kulul uga hadlay dooda ka dhalatay sharciga ay sheegtay inay xoog ku ansixineyso Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay si dhow ula socdaan walaaca Culimada Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga hadlay xeerkan oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta.

Aadan Madoobe oo soo saaray go’aan ka dhan xeerka Jnisiga ayaa waxaa uu caddeeyay, in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan marnaba la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

Si kastaba Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Sacdiyo Yaasiim ayaa sheegtay inay ansixineyso sharciga jinsiga, haddii kalena ay isaga tegi doonto magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo si kulul uga hadlay sharciga Jinsiga oo muran badan dhaliyey
To Top