WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galaya Shirka IGAD oo Maanta furmaya

Shirkii 48-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmi doona Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Shirkaasi ayaa waxaa looga xaajoon doonaa dhowr Ajendo oo ay ka mid yihiin Amniga, Nabadda, deganaanshaha Mandiqada dalalka IGAD iyo Qorshe ay Dowladda Sudan ku doonayso Isbedel lagu sameeyo Qaab-Hawleedka IGAD.

Dhanka kale, Saacadihii hore ee Maanta ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Khartoum ka degay Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya,  Abshir Cumar Jaamac, si ay uga qeyb galaan Shirka Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka ku bahoobay Urur-Gobaleedka IGAD.

Wasiir Abshir Cumar Jaamac ayaa waxaa uu   inta uu socdo shirka jeedin doonaa khudbad uu uga hadlayo xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo arrimo oo la xiriira diblomaasiyada.

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galaya Shirka IGAD oo Maanta furmaya
To Top