WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda oo shaacisay in MW Lafta-gareen uu ka qeyb galayo Shirka Muqdisho

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Afhayeen Macalimuu oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in maalmaha soo socda uu Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho uu ka furmi doono Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, isla markaana ay joogaan madaxda afar maamul goboleed.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaciyey in Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ah halka Madaxweyne ee Muqdisho ka maqan u dhawaan imaanayo, si uu uga qeyb galo shirka.

“Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan,” ayuu yiri Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim.

Qoraalka Macalimuu ayaa intaas ku sii daray, “Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.

Xukuumadda oo shaacisay in MW Lafta-gareen uu ka qeyb galayo Shirka Muqdisho
To Top