WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble, Axmed Madoobe iyo Deni?

Ra’iisul Wasaaraa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada Madaxweyne oo ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulankooda uga hadlay qabanqaabada Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho.

Warar la helayo ayaa sheegay in Madaxda sidoo kale ka arrinsadeen khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka uu iclaamiyey Rooble, halka weli uu maqan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa horey u shaaciyay inuusan ka qeyb aheyn Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaaraa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble, Axmed Madoobe iyo Deni?
To Top