WARARKA SOOMAALI

Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay qabashada Doorashada kuraas hor leh

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa shaaciyey 11 kursi oo Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ah, kuwaas oo dhawaan la qaban doono doorashadooda.

Doorashada kuraastan katirsan gollaha shacabka ayaan la filayaa in ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxa ayna guddiga doorashada maalmaha sdoo socda bilaabayaan diiwaan gelinta musharaxiinta iyo ergada dooraneysa.

Kuraasta lasoo saaray ee doorashadoodu la qabanayo ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP184, HOP253, HOP231, HOP002, HOP176, HOP046, HOP156, HOP159, HOP056, HOP050 iyo HOP085, kuwaasi oo ay ku fadhiyeen Xildhibaano ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Magaalada Baydhabo ayaa horey loogu doortay dhoor Xildhibaan oo katirsan gollaha shacabka, waxaana labo kamid ah xildhibaanadaasi la doortay la diiday natiijadooda kadib markii ay hareer mareen shuruucda doorashada u dagsaneed.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa sidoo kale u bilaabay Maamulka Galmudug iyo Jubbaland, halka weli aysan bilaabin doorashada Golaha Shacabka maamulada Hirshabeelle iyo Puntland oo soo saartay oo kaliya kuraasta ugu horreeysay ee doorashada….

Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay qabashada Doorashada kuraas hor leh
To Top