WARARKA SOOMAALI

Dagaal uu ku dhaawacmay Taliye Ciidan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Soomaaliya iyo kooxo burcad hubeesan oo xirnaa dareeska Milatariga ayaa xalay ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka dhaxmaray kooxda burcada hubeesan iyo Ciidamada Booliiska ayaa daqiiqado dhoor ah socday, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro labada dhinac soo kala gaaray.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku dhintay mid kamid ah ragii la dagaalamay ciidanka booliiska, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay dhoor qof uu ku jiro taliye ku xigeenka saldhigga booliiska degmada Kaaraan Daa’uud Dalmar .

Degmada Kaaraan waxaa ku xoogan kooxaha burcada hubeesan ee u abaabulan qaab beeleed, waxaana xaafadaha degmadaasi si joogta ah uga dhaca dilal, kufsi iyo dhac loo geesto dadka shacabka.

Dagaal uu ku dhaawacmay Taliye Ciidan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
To Top