WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda oo Go’aamo adag oo ka dhan ah Mooto Bajaajta soo saartay

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoona soo saaray Go’aamo adag oo ka dhan ah Mooto Bajaajta.

Shirka golaha wasiiradda ayaa laga soo saaray shan qodob oo lagu xadididayo mootooyinka kusoo badanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxa ayna xukuumadda isku raaceen hirgelinta qodobadan:

1-Laga bilaabo 1-da bisha April ee sanandkan 2023 waxaa la hakiyay soo dejinta mooto bajaajta, mooto gaari iyo mootada laba lug leh, waxaana la amray dekaddaha dalka in aan lasoo dejin karin mootooyinkaasi.

2-Laga bilaabo 1-da April ilaa 30-ka April waa in la tiro koobaa mooto bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B),waxaana shaqadaasi fulinaya maamulka gobolka Banaadir.

3-Lama siin karo ruqsada wadista mooto bajaajta iyo mootooyinka kale qof da’diisa ay ka yar tahay 18-sanno .

4-Laga bilaabo 1-da bisha May ee sannadkan waxaa la joojinayaa bixinta taarikada la siiyo mootooyinka illaa ammar dambe.

5-Hirgelinta go’aanadan waxaa u xil saaran fulinteeda wasaaradda Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’addaha amniga dalka.

Xukuumadda oo Go’aamo adag oo ka dhan ah Mooto Bajaajta soo saartay
To Top