WARARKA SOOMAALI

Weerar lagu qaaday mas’uuliyiinta Degmo ka tirsan Sh/Hoose & Khasaaro jira

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa weerar ku qaaday Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn Cabdixakiin Cabdullaahi iyo Gudoomiye ku-xigeenka Maaliyada degmadaas ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana weerarka kasoo baxaya faah faahino.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa Maaliyada oo dhex socday bartamaha degmada Wanlaweyn, mar qura ay rasaas xooggan ku fureen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, kadibna goobta ay ka baxsadeen.

Sidoo kale dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay soo sheegeen in weerarka rasaasta kadib uu dhacay, dagaal kooban oo dhexmaray ilaalada Guddoomiyaha Wanlaweyn iyo ragii hubeysnaa ee weerarka ku qaaday mas’uuliyiinta wada socday .

Inta la xaqiijiyay waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen, qofka dhintay ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah oo laga yaqaanay Wanlaweyn.

Wanlaweyn ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta khilaafaad dhanka maamulka ah, waxaana haatan taagan xiisad u dhexeyso guddoomiyaha maamulka degmadaasi iyo ku xigeenkiisa arrimaha bulshada, kaas oo ilaa iyo hadda aan laga gaarin xal rasmi ah.

Weerar lagu qaaday mas’uuliyiinta Degmo ka tirsan Sh/Hoose & Khasaaro jira
To Top