WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka Maanta ka dhacay Duleedka Laascaanood

Dagaal u dhexeeyay ciidanka deegaanka ee SSC iyo ciidanka Somaliland ayaa mar kale saaka oo sabti ah ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, Dagaalka ayaa socday dhowr saacadood, kaasi oo bilowday aroortii hore ee saaka.

Dagaalka ayaa intiisa badan ka dhacay aaga xerada Qoojacadde, waxaana dagaalkaas ay yimid, kadib markii ciidanka Somaliland ay isku dayeen inay weerar kusoo qaadan goobo ay ku sugnaayeen ciidanka deegaanka ee SSC, balse iska caabin ay la kulmeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan ay barbar socdeen madaafiic ay ciidanka Somaliland la beegsadeenb xarumo ku yaalla Laascaanood, taas oo adkeyneysa xaaladda. Labada dhinac ayaa sidoo kale guullo ka kala sheegtay dagaalka maanta,

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka saaka ay qaadeen kooxo argagixiso ah iyo ciidanka Puntland, balse ciidanka milatariga Somaliland ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

Dagaalkan ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan ku qof iyo sidoo kale barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka Maanta ka dhacay Duleedka Laascaanood
To Top