WARARKA SOOMAALI

Somaliland oo sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay Nin Dadka ku dhici jiray sixir

Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan saldhiga dhexe iyo qaybta xuuraanka oo is kaashanaaya ayaa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Xamse Yuusuf Maxamed oo qaab sixir ah dadka uga dhacaayay Hantidooda, sida lagu sheegay Qoraal Taliska soo saaray.

Eedaysanahan oo mudo ku dabo jireen ciidankan Booliska ayaa waxay soo qabteen isagoo ku sugan mid ka mid ah hoteelada magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland oo uu daganaa mudo labad sano ah.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in isla gobtii lagu tagay Bastoolad, Dahab iyo Maar isku jira, Geed sixir ah, 17 mobile oo noocaya yar yare ee dan ka hadasha ah.

Sidoo kale Taliska Booliska ayaa intaas kusii daray in qolkii uu ku sugnaa sidoo kale laga helay 5 xabo oo nooca smart phone ka ah, 27 shanadood oo nooca dumarku gacanta ku qaataan, Aqoonsiyo kaadhka dhalashada Somaliland Iyo Document kale.

Somaliland oo sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay Nin Dadka ku dhici jiray sixir
To Top