WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Waare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Maxamed Cabdi Waare ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga saarayo Al-shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa  kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa Waare isagoo ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga xoreeyey Shabaab una heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho oo dhammeystirin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Waare
To Top