WARARKA SOOMAALI

Laamaha Amniga oo qabtay Nin Mu’adin ah oo Muqdisho ku dilay Imaam Masjid

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay wadaad mu’adin ah oo shalay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ku dilay macallin Imaam ka ahaa masjid ku yaalla xaafad ka tirsan Garasbaaley.

Ninka mu’adinka ah ee dilka geystay oo shalay baxsaday ayaa lagu qabtay degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, waxaana eedeysanaha lagu magacaabaa Mukhtaar Cali Xuseen, kaasi oo dilay masaajidkii uu mu’adinka ka ahaa Imaamkiisii.

Qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in laamaha amniga ay gacanta kusoo dhigeen Mukhtaar Cali oo Baangad Af-badan ku dilay Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle oo imaam ka ahaa masjid ku yaal Garasbaaley.

“Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Warta nabadda ayaa saaka gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay in uu dil ugaystay imaamka masaajid ku yaala deegaanka Garasbaaleey, halka uu dhaawacay mu’adinkii masaajidka Shalay oo bishu ahayd 29 bisha March,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska Booliska ee Gobolka Banaadir

Sidoo kale Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu kamid yahay Jamaacadda loo yaqaano Tabliiqa, isla markaana muddo uu joogay masaajidka uu dilka ka geystay, sidoo kalena uu dhaawacay wiil gacan yare u ahaa Imaamka dhintay.

Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax ku reebtay Jamaacadda masjidka uu dilka ka dhex dhacay oo ku yaalla Garasbaaley, sidoo kalena waxaa falkaas ka naxaya dadka deegaanka.

Laamaha Amniga oo qabtay Nin Mu’adin ah oo Muqdisho ku dilay Imaam Masjid
To Top