WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Muuse Biixi ku Amray inuu ciidankiisa ka saaro Laascaanood

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa qadka telefoonka wada-hadal ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada hadlay dagaalada magaalada Laascaanood iyo arrinta Doorashad.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Safiir Larry Andre uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu ciidamadiisa ka saaro aagga Laascaanood, si marka hore loo dhaqan-geliyo xabad joojinta.

Safiirka ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Somaliland uu awoodo inuu xaaladda dejiyo, isla markaana uu dhaqan-geliyo xabad joojin, sidoo kalena la billaabo wadahadallo xal loogu raadinayo colaadda magaalada Laascaanood.

“Madaxweynaha Somaliland Biixi wuxuu awoodaa inuu abuuro jawi lagu kala qaado Ciidanka isku horfadhiya Laascaanood, sidoo kale oo ku dhawaaqo habraaca doorashada mustaqbalka Somaliland, waxaana ku dhiirageliyay isaga inuu labada sameeyo,” ayuu yiri Larry Andre.

Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Muuse Biixi looga baahan yahay inuu caddeeyo xilliga ay dhacayso doorashada guud ee hoggaanka Somaliland oo horay dib ugu dhacday.

Mareykanka oo Muuse Biixi ku Amray inuu ciidankiisa ka saaro Laascaanood
To Top