WARARKA SOOMAALI

Wadaad Mu’adin ah oo Imaam ku dhex dilay Masjid ku yaal duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil naxdin iyo Argagax leh oo saaka ka dhex dhacay gudaha masaajid ku yaalla deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii halkaas lagu dilay Imaamkii masaajidka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay ku warrameen in wadaad mu’adin ka ah masjidka uu falka ka dhacay uu Baangad ku dilay Imaamkii masjidkaasi oo ku yaalla waaxda Carafaad oo ka tirsan deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Falka dilka ah ayaa ka danbeeyay, kadib markii mu’adinka iyo wiil dhallinyaro ah oo sida la tilmaamay gacan yare u ahaa Imaanka dhintay uu muran kooban soo kala dhex-galay, kaasi oo sababay in mu’adinka uu caroodo, uuna Baangad ku dhuftay Imaankii oo ku sugnaa gudaha masjidka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in wiilka uu dhaawac soo gaaray, isla markaana waxaa durbadii loola cararay Xarun caafimaad, si loogu daaweeyo. Imaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle.

Imaamka masaajidka ee dhintay ayaa waxaa la sheegay inuu salaadii subax ee saakay uu tujiyay Jamaacada masaajidka, halka mu’adinka dilka geystay uu isna aqimay saaladii subax, Jamaacada masjidka iyo dadka deegaanka ayaa falkan aad uga naxay.

Wadaad Mu’adin ah oo Imaam ku dhex dilay Masjid ku yaal duleedka Muqdisho
To Top