WARARKA SOOMAALI

Dowladda Federaalka oo Gargaar u dirtay Baardheere & xaaladda weli taagan

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa afar Diyaarad oo mucaawino kala duwan ah u dirtay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu dhowaan ku fatahay Wabiga Jubba.

Gargaarkan ayaa isugu jira daawo, dhar iyo raashiin ka kooban bur, bariis, sokor iyo kalluun loogu tala galay dadkii ka barakacay fatahaad iyo daadadkii halkaasi ka dhacay.

Agaasimaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay diri doonaan Diyaarado kale oo sida raashiin iyo daawo.

Agaasimaha ayaa shacabka Soomaaliyeed uga baaqay inay ka digtoonaadaan lana socdaan marxaladda roobabka, wuxuuna faray inay ka fogaadaan meel kasta oo biya mareen ah si ay u yaraato saamaynta ka dhalan karta daadadka iyo fatahaadaha.

Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xaalad adag, kadib markii magaaladaas ay kusoo fataheen daadad ka dhashay roobab iyo webiga Jubba, waxaana magaaladaasi ka barakacay inta badan dadkii kunoolaa.

Dowladda Federaalka oo Gargaar u dirtay Baardheere & xaaladda weli taagan
To Top