WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku qaaday Saldhig ciidan

Al-Shabaab ayaa arroornimadii hore ee saakay waxaa ay weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah ku qaaday saldhig ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Baarsan-guuni oo hoostaga magaalada Kismaayo.

Weerarka kadib, ayaa waxaa saldhiga ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada saldhiga ku sugnaa, khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawaca ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaalkii dhacay.

Sida laga soo xigtay dad ku sugan deegaanka Baarsan-guuni, Shabaabka ayaa weerarka la beegsatay saldhiga ciidamada ee deegaanka, waxaana Al-Shabaab oo War kasoo saartay weerarkaas ay ku sheegtay inay cagta marisay xeradaasi.

Sidoo kale Shabaabka ayaa sheegtay inay gubtay gaadiid dagaal oo yiilay saldhigga, Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

Dhowaan ayey ahayd markii weerar toos ah ay Al-Shabaab ay ku galeen saldhigga Janaay Cabdall oo u dhow magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay ku dileen askar, kuna furteen hub iyo gaadiid.

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku qaaday Saldhig ciidan
To Top