WARARKA SOOMAALI

Duqa Muqdisho oo Madaxa ATMIS kala shiray sugida Amniga Caasimadda dalka

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ee ciidanka Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya Danjire Maxamed Al-Amiin Souef.

Kulanka dhex maray Duqa Magaalada Muqdisho iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa loogu hadlay xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Howlgalka ATMIS, sidoo kale fulinta Qorshaha sugida Amniga Caasimadda iyo guud ahaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Madaale) ayaa ku ammaanay Midowga Afrika (ATMIS) doorka ay ka qaateen horumarka iyo Ammaanka Soomaaliya, iyagoo u huray dhiigooda iyo Naftooda, waa sida lagu sheegay War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Danjire Souef ayaa xusay in ATMIS ay sii wadi doonto taageeradooda ku aadan ciribtirka Al-Shabaab iyo dardargalinta howlgalada ka socdo dalka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku amaanay garab istaaga howlgalada ka dhanka ah kooxaha Shabaab ee ka socda dalka, taasi oo keentay in Ciidamada Xooga dalka ay guulo waaweyn gaaraan.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ayaa sheegay in ka hor December 2024 oo xilliga u qorsheesan in ay soo gaba-gabeeyaan howlgalkooda Soomaaliya, ay ka go’an tahay in Bulshada Soomaaliyeed ee kala shaqeeyaan Amniga iyo Barnaamijyada horumarinta.

Duqa Muqdisho oo Madaxa ATMIS kala shiray sugida Amniga Caasimadda dalka
To Top