WARARKA SOOMAALI

Shakabad Arrin halis ah ka waday Magaalada Muqdisho oo lasoo Bandhigay

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir kusoo bandhigay maandooriyeyaal farabadan iyo rag dhallinyaro ah, kuwaasi oo la sheegay inay ka ganacsanayeen waxyaabahaasi

Maamulka degmada Warta-nabadda iyo Taliska qeybta guud ee Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in gacanta lagu dhigay baco farabadan oo ay ka buuxeen Xashiish iyo Calag, isla markaana si qarsoodi ah loogu iibinayay gudaha degmadaas.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jicmaale Madaale oo ku sugnaa goobta lagu soo bandhigaayay maandooriyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay inay ogaadeen meelaha lagu beero Xashiishka ee magaalada Muqdisho.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha ayaa waxa uu intaas kusii daray inay heleen xogo badan oo ku aadan maandooriyaha lagu iibiyo Muqdisho, isla markaana talaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabta falkaas.
Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maan-dooriyha iyo kuwa ciyaal-weerada.
Shakabad Arrin halis ah ka waday Magaalada Muqdisho oo lasoo Bandhigay
To Top