WARARKA SOOMAALI

DFS oo hay’addaha Gargaarka kala shirtay xaaladda Magaalada Baardheere

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federalka Soomaaliya, Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta guddoomiyey shir ay isugu imaadeen hay’addaha ka shaqeeya arrimaha Bin’aadanimada oo looga hadlayay xaaladda magaalada Baardheere ee gobalka Gedo oo dhawaan uu ku fatahay wabiga Jubba.

Kulankan oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay oo diirada lagu saaray xaalada magaalada Baardheere ee Gobolka iyo sida dadka halkaas ku dhibaataysan gargaar loo gaarsiin karo.

Masuuliyiinta ka qeyb-galay shirkan muhiimka ah ayaa ku balamay in la qabto shir ballaaran oo xooga lugu saaraayo arrimaha fatahaadda iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibootooyinka ka dhasha biyo yarida iyo fataahadaha, ayidoo lugu balamay in ay hay’adda SoDMA ay qaadato dowrka isku xirka.

Kulanka ayaa waxaa ka qetyb galay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka  Maxamuud Macalin Cabdulle, La-taliyaha Istaraatiijiyadda iyo iskaashiga  Maxamed Cumar Macalin, madaxa isku-xirka arrimaha gargaarka Soomaaliya ahna ku-xigeenka madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Adam Abdul Mowla,

DFS oo hay’addaha Gargaarka kala shirtay xaaladda Magaalada Baardheere
To Top