WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo lagu wareejiyay Gaadiid nooca Dagaalka

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dekada caasimadda ah ee Muqdisho kula wareegey gaadiid ay Dowlada Turkiga ugu deeqday Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa uga mahad celiyay Shacabka iyo Dowlada Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed.G

Gaadiidkaan oo loogu tala galey in lagu tayeeyo Ciidamada Xooga gaar ahaan GorGor, ayaa waxay keenistooda ku soo aadey wakhti Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda ay dagaal kula jiraan Shabaab.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor ayaa taageero dhinacyo kala duwan ah ka hela dowladda Turkiga oo ciidankan tababar heer sare ah siisay, sidoo kale ka qeyb qaadata maal-gelintooda.
Dowladda Somalia oo lagu wareejiyay Gaadiid nooca Dagaalka
To Top