WARARKA SOOMAALI

Xukun adag oo Maanta lagu riday Xaaska Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia

Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa) ayaa loo soo xeray kamid ahaanshiyaha Daacish iyo u qaabilsanaanta arrimaha lacagta 21/03/2022.

Degmada Hilwaa ee xaafadda suuqa xoolaha ayay ka soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ay hay’adda Nabad-Sugidda ogaatay in xeriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta Daacish ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee dunida Bilal-Alsidani, Bilaal ayay howlgal gaar ah ku dileen ciidamada taageera Soomaaliya, sida 27-kii January ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun

Fadhigeedii u dambeeyay ee Maxkamadayn ayay soo dhamaysatay 17-kii January 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah , sida uu waraahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukun adag oo Maanta lagu riday Xaaska Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia
To Top