WARARKA SOOMAALI

Dad ku tukanaayay Masjid oo la Qarxiyey & Khasaaro badan oo ka dhashay

Ugu yaraan 18 qof oo ku geeriyootay qarax, halka 90 qof oo kale way ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Qof isku dhex qarxiyey Masjidka, xilli ay dadka tukanayeen Salaada Duhurka ee maanta abaarihii O1:40 daqiiqo ee  xilliga dalkaasi.

Qaraxaasi ayaa waxa uu ka dhacay Masjid ku yaalla magaallada Peshawar ee ku yaalla W/Galbeed ee Pakistan, una dhow xuduudka Afgaanistaan.

Ninka Is-qarxay ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey safka Koowaad ee Jamaacada ku tukanaysay Masjidka.

Afhayeenka Isbitaalka The Lady Reading Hospital (LRC), Maxamed Asim oo la hadlay Wakaallada Wararka REUTERS ayaa sheegay inay xaalladooda aad u liidato qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Is-qarxintaasi.

Dad ku tukanaayay Masjid oo la Qarxiyey & Khasaaro badan oo ka dhashay
To Top