WARARKA SOOMAALI

Wufuud caalami ah oo kusoo wajahan M/Muqdisho & Shir Amni oo dhacaya

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa kusoo wajahan  wufuuf caalami ah oo ka kala socda Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha ciidanka ee dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxaana socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo.

Garoonka diyaaradah Aadan Cadde ayaa waxaa barqadii maanta oo Isniin ah kasoo degay wafdigii u horreeyay, waxaana kamid ahaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada ee dalka Jabuuti, iyagoona lagu soo dhaweeyay Garoonka.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay Muqdisho yimaadaan Madaxweynayaasha dalalka deriska ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxaana Muqdisho ka dhici doona shir madaxeed amniga dalka.

Shirka ayaa waxaa looga arrisan doonaa u diyaar garowga qorshaha ATMIS dalka looga saarayo marka waajibaadkooda dhamaado dhammaadka sanadka 2024 iyo taageerida dagaalka dowladdu ku qaaday Al-Shabaab.

Ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay.

Wufuud caalami ah oo kusoo wajahan M/Muqdisho & Shir Amni oo dhacaya
To Top