WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Wasiirka A/Dibadda Somalia iyo Madaxda Ergada OIC?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa ee Wasaaradda, Madaxa Ergada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) u qaabilsan Soomaaliya, Amb Mohamed Bamba  M. Boba.

Kulanka dhexmaray labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa howlaha samafal ee ururku ka wado dalka Soomaaliya, loona gaarsiin lahaa gobollada dalka oo dhan.

Ururka waddamada Islaamka ayaa dalka ka fuliya mashaariic samafal oo isugu jira qodista ceelal biyood, dhismaha iyo dayactirka xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, wuxuu sidoo kale ururku fuliyaa hawlo gargaar oo degdeg ah.

Ururkan oo ay ku mideysan yihiin 56 dal oo Muslim ah ayaa lagu asaasay waddanka Morroco bishii Sebtembar 1969, waddankeenuna wuxuu ku biiray Isla sannadkaas.

Maxay ka wada hadleen Wasiirka A/Dibadda Somalia iyo Madaxda Ergada OIC?
To Top