WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo uga digay Muwaadiniintiisa u safarka dalal ay ku jirto Somalia

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa soo saartay Liiska 19-ka dal ee ugu sareeyo ee aan amman u ahayn inay dadka Maraykanka u socdaalaan.

Digniinta Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa waxaa 19-kaasi waddan laga dhigay heerka ugu khatarsan ee Digniinaha casaanka ee dhanka Socdaalka ee ah ha u safrin (Do Not Travel).

Liiska Waaxda Arrimaha Dibedda ku astaysay 19-ka waddan ee aan ammaanka u ahayn dadka Mareykanka inay booqdaan waxay kala yihiin:

1- Venezuela,

2- Iraq,

3- Somalia,

4- Haiti,

5- Ukraine,

6- Afghanistan,

7- Yemen,

8- Syria,

9- Sudan,

10- South Sudan

11- Kuuryada Waqooyi (North Korea),

12- Libya,

13- Iran,

14- Burma (Myanmar),

15- Raashiya,

16- Mali,

17- Afrikada Dhexe (Central Africa Republic),

18- Burkina Faso,

19- Belarus

Dhanka kale, Digniinta Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ka soo saartay inaysan Muwaadiniintooda Socdaal ku tegin dalka Somalia, waxay xustay inay Somalia ka jiraan dembiyo, Argagixiso,  deganaanaho La’aan, Arrimaha Caafimaadka, Afduib iyo Burcadda Badda.

Mareykanka oo uga digay Muwaadiniintiisa u safarka dalal ay ku jirto Somalia
To Top