WARARKA SOOMAALI

DFS oo War kasoo saartay Shirka Muqdisho uga furmaya Madaxda dalalka deriska

Soomaaliya ayaa maanta martigelineysa shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Wasiiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore. Waddamada Soomaaliya ku wehliya kulanka maanta ayaa kala ah Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.

Shirkan oo lagu gorfeynayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Al-shabaab, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa gogol xaar u ah Shir Madaxda Dalalka Safka Hore ay beri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, kulan maanta dhacaya ayaa lagu diyaarin doonaa ajendaha shir madaxeedka beri dhacaya.

Dowladda ayaa cudur daar ka bixisau saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan Muqdisho.

Dowladda ayaa sheegtay in baahi ay keentay in labada maalmood ee maanta iyo beri la xadido dhaqdhaqaaqyada iyo weliba duulimaadyadii Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho,, isla markaana ay shacabka la dareemayso culeyska ay tallaabooyinkani leeyihiin.

DFS oo War kasoo saartay Shirka Muqdisho uga furmaya Madaxda dalalka deriska
To Top