WARARKA SOOMAALI

Tirada dadka ku dhintay Qaraxii ka dhacay Masjidka Pakistan oo sii korortay

Idaacadda Radio Pakistan ayaa waxa ay Maanta oo Talaado ah sheegtay inay Tirada dhimashada qaraxii Qarixii Masjidka Peshawar oo gaartay 90 qof, halka ay in ka badan 100 qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Shalay ayey ahayd markii uu qof isku qarxiyey gudaha Masjid ku yaalla magaalladda Peshawar ee W/Galbeed ee dalka Pakistan, xilli ay boqolaal qof ku  tukanayeen Salaadda Duhurka.

Qaraxaasi ayaa waxa uu burbur xoogan u geystay Dhismaha Masjidka, iyadoo Kooxaha Gurmadka  ay 17 meyd iyo hal qof oo nool ka saareen burburka dhismaha Masjidka.

Dhanka kale, Pakistan ayaa waxaa maanta looga dhawaaqay Baroordiiq Qaran iyo in Calanka hoos loo dhigo, si loogu xusuusto dadkii ku dhintay Falkii Is-qarxinta ee shalay ka dhacay Masjid ku yaalla magaalladda Peshawar.

Tirada dadka ku dhintay Qaraxii ka dhacay Masjidka Pakistan oo sii korortay
To Top