WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Garaad Jaamac Garaad Cali oo Jawaab kulul siiyay Muuse Biixi

Isimadda dhaqanka ee gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee ku shirsan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Somaliland ee ahaa in Argagixiso saameyn ku leedahay xaalka Laascaanood.

Isimadda ayaa warkaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kusifeeyey been abuur, waxaana Garaad Jamaac Garaad Cali Isimadda kale ay ayay ku eedeeyeen Somaliland in ay iyadu la shaqeysato Argagixisada ayna isku shabakad yihiin.

Beesha Caalamka ayay sheegeen in la gaaray xiligii isla xisaabtanka, dowladdaha Taakulada siiya ciidanka Somalilan ayay sheegeen in ay ogsoon yihiin, balse dhibkii hore aysan kusii wadin, haddii kale laga xisaabtami doono.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Isimka guud ayaa sheegay in aysan marnaba ogolaaneyn in deegaanadooda laga maamulo goobo kale, ayna u fadhiyaan aayahooda oo ay ka tashanayaan.

“Argagaxiso ma nihin, argagixiso aan ciidanka Somaliland ahayn oo dhulkeena joogana ma ogin, Muuse Biixi iyo Argagixisaduna iyagaa wada shaqaysta” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa weli ka socda shirweynaha Aayo-ka-tashiga ee looga hadlay xaaladda iyo masiirka guud ee gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana shirka barbar socda kulamo gooni-gooni ah.

DEG DEG: Garaad Jaamac Garaad Cali oo Jawaab kulul siiyay Muuse Biixi
To Top