WARARKA SOOMAALI

Villa Somalia oo Caawa shaacisay Qodobada Shirka Berrito ka furmaya Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta Muqdishu ka furtay Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore ee dariska(Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu danbaysay in ay marti-geliso shirar-Madaxeedka heer Gobol sannadkii 2016-kii oo Muqdisho ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaasha dalalka IGAD.

Qodobada looga hadlayo shirka Madaxda ee berrito ka dhacaya magaalada caasimadda ee Muqdisho ayaa waxaa ay kala yihiin:

1-Taageerada gulufka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo Al-shabaab muddo ay gacanta ku haysay.

2-In la sameeyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo  Ciidamada Dalalka Safka hore.

3-Baaq mideysan oo ku wajahan Caalamka, kaas oo lagu dalbanayo in la xoojiyo taageerada iyo qalabeynta Ciidamada Soomaaliyeed, si ay degdeg ugu soo afjaraan dagaalka waxa loogu yeero argagixisada.

4-Muujinta khatarta waxa loogu yeero argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida gobolka iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka shucuubta qaaradda.

Villa Somalia oo Caawa shaacisay Qodobada Shirka Berrito ka furmaya Muqdisho
To Top