WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Shirka Wasiirradda Gaashaandhigga dalalka deriska oo ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyey Shirka Wasiirradda gaashaandhigga iyo taliyeyaasha Ciidamada dalalka deriska ee loo yaqaan waddamada safka hore.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Shirkan lagu gorfeeyay dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Al-shabaab, isku dubaridka taageerada muhiimka ee dalalka safka hore iyo sidii laysaga kaashan lahaa howlgallada, isagoo xusay in kulankani uu sahlayo la-dagaalanka.

Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Waddamada safka hore ayaa kulankooda maanta ku diyaariyey ajendaha shir madaxeedka berri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo gulufka Millateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan Amniga gobolka.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Dowladdu ay cudur daar ka bixineyso saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho, iyadoo saamayn ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: Shirka Wasiirradda Gaashaandhigga dalalka deriska oo ka dhacay Muqdisho
To Top