WARARKA SOOMAALI

Tirada Dadkii ku dhintay Qarixii Masjidka Peshawar oo gaartay 100 qof

Weerarkii Is-qarxinta ee ka dhacay Masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan ayaa la sheegay inay 100 qof ku geeriyooday,  kadib,  markii meydad kale laga soo saaray burburka Masjidka.

Afhayeenka Isbitaalka Lady Reading Hospital ee Peshawar,  Maxamed Asim ayaa sheegay inay 100 Meyd loo keenay, halka 53 dhaawac ah la daaweynayo oo 7 ka mid ah ku jiraan Qeybta Daryeelka Khaaska ee Intensive care unit (ICU).

Waxa uu tilmaamay in lacag la’aan lagu daaweynayo dadka dhaawacan ee la keenay Isbitaalka.

Dhinaca kale, Kooxda Hubeysan ee Daalibaanta Pakistan ee TTP oo  sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi ayaa waxay mar kale dib isaga fogeysay Sheegashadii shalay ay shaaciyeen.

Tirada Dadkii ku dhintay Qarixii Masjidka Peshawar oo gaartay 100 qof
To Top