WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo Maanta xirtay Waddooyinka Muqdisho & Garoonka Aadan Cadde

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah xiray inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana waddooyinka xiran loo diidayaa inay maraan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran iyaga oo taagan, isla markaana gaadiidka ku yimaada jadadka qardo jeexa ah ku amraya inay dib uga laabtaan wadada, mana jiro wax dhaq-dhaqaaq ah oo waddooyinka ka jira.

Dhinaca kale waxaa maanta hakad la geliyay duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, mana jiro wax duulimaad ah oo kasoo degaya Garoonka, sida ay Horufadhi u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Tallaabada ay qaaday dowladda federaalka ayaa aheyd mid horay loo sii oogaa, maadaama ay shacabka ku wargelisay in la xirayo waddooyinka, isla-markaana ka dalbatay in ay dulqaad muujiyaan saacadaha kooban ee ay martida culus imaaneyso waddanka.

Si kastaba, shirka ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso.

Dowladda oo Maanta xirtay Waddooyinka Muqdisho & Garoonka Aadan Cadde
To Top