WARARKA SOOMAALI

Shirka Madaxda Somalia iyo dalalka Safka hore oo Maanta ka furmaya Muqdisho

Waxaa maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu wadaa in uu ka furmo Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore Sida (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) kaa oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh ,Madaxweynaha Kenya William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda dalalkaas ayaa saacadaha soo socda kasoo degaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa haatan socota qaban-qaabadii ugu danbeeysay ee lagu soo dhaweynayo Madaxweyneyaasha kusoo wajahan Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu dambaysay in ay marti-geliso shirar-Madaxeedka heer Gobol sannadkii 2016-kii oo Muqdisho ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaasha dalalka IGAD

Ujeedooyinka Shirka Soomaaliya iyo Dowladaha Safka hore:

1-Taageerada gulufka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixisadu muddo ay gacanta ku haysay.

2-In la sameeyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dalalka Safka hore.

3-Baaq mideysan oo ku wajahan Caalamka, kaas oo lagu dalbanayo in la xoojiyo taageerada iyo qalabeynta Ciidamada Soomaaliyeed, si ay degdeg ugu soo afjaraan dagaalka argagixisada.

4-Muujinta khatarta argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida gobolka iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka shucuubta qaaradda.

Shirka Madaxda Somalia iyo dalalka Safka hore oo Maanta ka furmaya Muqdisho
To Top