WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Hoobiyeyaal kusoo dhacay Aaga Villa Somalia & xogta la helay 

Jugta tirro hoobiyeyaal ah ayaa kusoo dhacay xaafaddo ku yaalla agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, illaa afar madfac ayaa jugtooda laga malqay degmooyin ka tirsan magaalada caasimadda ee Muqdisho.

Dad la hadlay Horufadhi ayaa u sheegay inay jiraan dad waxyeelo kasoo gaartay  hoobiyeyaasha kusoo dhacay aaga Villa Soomaaliya, si rasmi ah looga oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda, oo kusoo aaday, xilli ay xiran yihiin waddooyinka Muqdisho.

Shir ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha dalka Kenya, madaxweynaha dalka Jabuuti iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda amni ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee dalka socda,  Weerarkan hoobiyeyaasha oo la rumeysan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ayaa ah mid lagu qalqal-gelinayo amniga.

Todobadkii hore ayaa weerar kan lamid ahaa lagu qaadag agagaarka xarunta madaxtooyada, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo daganaa degmooyinka Xamarweyne iyo sidoo kale Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

DEG DEG: Hoobiyeyaal kusoo dhacay Aaga Villa Somalia & xogta la helay 
To Top