WARARKA SOOMAALI

Yaa kusoo baxay Maanta Doorashada kursigii uu baneeyay Mahad Salaad?

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #Hop147 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Kursigaan oo uu baneeyay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa waxaa kusoo baxay oo loo dootay Ilyaas Sheikh Axmed Ibraahim, isagoo ka guuleystay Aamino Tahliil Warsame oo la tartameysay.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa doorashada Kursigaan maanta ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay ka qeyb galeen Munaasabadda Mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ah.

Mahad Maxamed Salaad oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii dib loo doortay u magacaabay Agasimaha Hay’adda NISA ayaa ku fadhiyay kursigaan tirsigiisu yahay #Hop147 ee doorashadiisa la qabtay.

Yaa kusoo baxay Maanta Doorashada kursigii uu baneeyay Mahad Salaad?
To Top